Sir Alex Ferguson Oo Doonaya In Madaxii Hore Ee Man United David Gill Inuu Noqdo Madaxweynaha FIFA

Sir Alex Ferguson ayaa doonaya in madaxii hore ee Manchester United David Gill inuu badbaadiyo kubada cagta caalamka.

Tababarihii hore ee Manchester United ayaa ugu baaqay Gill inuu u tartamo jagada madaxweynaha FIFA ka dib markii uu Sepp Blatter ugu dhawaaqy si lama filaan ah inuu iscasilayo.

Waxa uu yiri: “David Gill ayaa ah qofka dib u hagaajin kara dibaatadii loo geystay kubada cagta caalamka iyo eedeymihii ugu danbeeyay ee laaluush qaadashada iyo musuqmaasuqa.

“Su’aal la’aan waa maamulaha ugu fiican kubada cagta Britian.

“Waa nin daacad ah, waa nin toos ah oo aan laablaab aqoonin, waxaana uu cilmi badan u leeyahay kubada cagta.

“Tayooyinkaas ayaana ah kuwa haatan ka fog FIFA.

“Hubaashii waan ka faa’iday shaqadiisa, waxaan Manchester United iskula soo shaqeynay ku dhawaad 20 sannadood. Waxaana aheyn koox weyn.”

Madaxweyne ku xigeenka FIFA ee haatan David Gill ayaa ka cagajiidaya inuu isa soo sharaxo, laakiin Sir Alex ayaa rajeynaya inuu maankiisa bedelo.

Gill oo 57 sanno jir ah ayaa durbaba amaan ku muteystay sida uu u mucaaraday Sepp Blatter. Waxaana uu sheegay inuusan qaadan doonin booskiisa golaha fulinta FIFA madaama uusan dooneynin inuu ka garab shaqeeyo Blatter.

s

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook