Suldaankii ugu da’yaraa oo la caleemo saraay +Sawirro

Waxaa caleemo saarka Suldaanka ka soo qayb galey qaar ka tirsan Issimada Puntland oo ay horkacayeen Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Maxamuud, Suldaan Saciid Maxamed Garaase, xildhibaano, maamulka gobolka Nugaal, ganacsato iyo dadweyne kale.
Islaan Ciise oo khudbad ka akhriyey furitaanka munaasabadaan ayaa waxaa u sheegey inuu soo dhoweynayo magacaabista Suldaanka da’da yar islamarkaana uu qayb ka qaadanayo talo siintiisa iyo tababarkiisa.
Suldaan Siciid Maxamad Garaase oo ay wada-dagaan yihiin Suldaanka cusub ayaa sheegey in door muhiim ah ka qaadan doono barbaarinta Suldaanka iyo waxbaradiisa isaga oo sheegey inuu yahay nin yar oo ku soo biirey Saladiinta Puntland.
Suldaanka cusub oo aabihii ahaan jirey Suldaan guud ayaa dhintey, Munasabada caleemo saarka Suldaanka cusub ayaa waxaa aan ka soo qayb galin Islaanno Kale sababo aan la cayimin halka uusan ka soo muuqan Boqor Burhaan Boqor Muusse oo isna ku sugnaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe.
Dhanka kale suldaankaan cusub ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale oo ka dhaca Soomaaliya, Dadka Abaabulay Howshan ayaa aaminsan iney tahay Wax wanaagsan Ooo Wiilkani uu Dhaxal ku Heley Suldaanimada oo Aabihii uga dhintay.

11 (1)1 (2)1 (3)1 (4)1 (5)1 (6)

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook