SUUDAAN oo ka jawaabtay Go’aankii lagu amray in lagu soo xiro AL-BASHIIR

Iyadoo maalinimadii Shalay Maxkamad ku taala dalka Koonfur Afrika ay soo saartay warqad lagu amraayo inaanu Madaxweynaha Suudaan ka bixi karin Magaalada Johannesburg, ayay Dowladda Suudaan sheegtay inaanu sii jooggi doonin dalkaasi, shirka ka dib.

Madaxweynaha Suudaan, Omar al-Bashir, ayaa Magaalada Johannesburg kaga qaybgalaaya Shirka Madaxda Midowga Afrika, islamarkaana uu Madaxweynuhu ka jawaabaayay shirkaasi oo lagu soo casuumay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan, Kamal Ismail, ayaa xaqiijiyay in Madaxweynuhu uu ka taggi doono Koonfur Afrika, kolka la soo gaba gabeeyo fadhiga ugu weyn.

“Way adag tahay in faah faahin idinka siiyo jadwalka Madaxweynaha, balse dib ayuu u laaban doonnaa Madaxweynaha, kolka uu soo idlaado fadhiga ugu weyn.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka, ayaa beeniyay wararka ay baahinayso Warbaahinta, ee la xiriira ee Madaxweynaha lagu xanibay dalkaasi, waxba kuma laha buu yiri waxa ka dhacaaya Koonfur Afrika.

“Ilaa iyo hadda xaaladdu way degan tahay, mana jirto khatar haysata haybaddii Madaxweynaha. Waxa ay baahinayso Warbaahinta, waxba kuma laha waxa ka dhacaaya Koonfur Afrika.” Ayuu yiri Kamal Ismail.

Maxkamadda ICC, ayaa sanadihii ugu dambeeyay baadigoob ugu jirtay Madaxweynaha Suudaan, markii ay ku eedeysay in uu xasuuq ka gaystay Gobolka Darfur.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook