Taliyeyaasha Ciidaamda Jubbaland oo Xamar Lagaga Dhawaaqay +Magacyada iyo Qabaa ilkooda

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaadhay Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamaya in Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya,ay Xafiiskiisa ka baxday Warqada uu horay u saxiixay taas oo gaadhay Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland,Waaana Warqadan ku qoran Taliyeyaasha Ciidamada Jubbaland ee ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland ayaa maalmo ka hor Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya wuxuu u dhiibay fariin ku socotay Madaxwaynaha Dowladda Federalka Soomaaliya taas oo Madaxwayne Axmed Madoobe uu kaga Codsaday m/Wayne Xasan Sh Maxamuud in uu Taliyeyaasha Ciidamada Jubbaland u Magacaabo,Saraakiisha Ciidamada ee Kismaayo Jooga,kuwaas oo Axmed Madoobe uu sheegay in ay yihiin kuwa kaliye ee uu isleeyahay dhibaatada ka taagan dhanka Ciidamada Xalway ka gaadhi karaan.

1- Taliyaha guud ee Ciidamada Jubbaland Waxaa Loo Magacaabay Muxuydiin C/Xakiim Sayid Maxamed Cabdile Xasan “Ogadeen,Bahgari”
2- Abaanduulaha Ciidamada Jubbaland ee heer Federal Daa’uud Maxamed …….. “Mareexaan,Reer Xasan”
3- Taliyaha Saadka Ciidamada guud ee Sadexda Gobol Waxaa loo Magacaabay Ismaaciil Qaloocan “Biyomaal”
4- Madax Hawl galada Ciidamada Axmed Caato “Ogaadeen, Cawliyahan”

Sida aan Xogta Ku helay Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland ayaa ku goodiyey in,Hadii Taliyeyaal Ciidan oo ayna raali ka ahayn la soo magacaabo ayna la shaqaynaynin,isla Markaan ay ay ka noqonayaan wixii wada shaqaynn dhanka Ciidamada ah Waxayna arintan ahayd ka hor Mooshinka Baarlamanka Soomaaliya ay qaadeen,Waxayna dadka Kismaayo Sheegayaan in Magacaabista Taliyeyaashan ay Soo dhawaynayaan Madaxda Maamulka Jubbaland maadaam markii horeba ay iyagu qoreen Taladii ay Dowladda Siiyeena la raacay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook