Telefishinka Soomaali Chanel oo qarka u saaran in albaabada loo laabo (Warbixin)

TV-ga Afka Soomaaliga ku hadla ee Somali-channel oo safka hore kaga jiray Tv-yada ugu Afka dheer Soomaalida soona jiitay Bulshada caalamka ilaa heer uu gaaray in heyadaha NGO-yadu ku soo xirmaan ayaa waxaa mudooyinkan la soo deristay habacsanaan iyo maamul xumo.
Tv-ga oo ay ku midaysnaayeen milkiiyadiisa ganacsato Soomaaliyeed ayaa khilaaf uu soo kala dhaxgalay ka gadaal markii shaqada laga fariisiyey qaar ka mid ah Maamulkii iyo Shaqaalihii Somali-channel ee ka howlgalayey gudaha Somalia
Muran is qabqabasi dheer ka dib waxaa la isla gartay in saamileyda loo celiyo hantidii ay ku lahaayeen kuwaasoo si fudud ugala baxay qaarkood inkastoo ay jiraan kuwa muddo ku joog ah oo aan la siinin qarashaadkoodii.

TVga Somalichannel oo dhowr mar hawada ka baxay waxay sababtay in shirkadihii lacagaha xayeysiimaha ah laga qaaday iyo maamulka Tvga ay fooda is daraan kuwaasoo shaki weyn ka qaday lacagaha iyo Tvga oo hawada ka maqan marar badan.
Waxaa ugu dambeyntii lagu qanciyey in hawada lagu soo celiyey Tvga oo hadda laga daawado qaarada Afrika iyadoo Xafiis KMG ahna looga furay magaalada Nairobi ee dalka kenya inta ay xayeysiimuhu waqtigoodu ka dhamaanayaan.
Xaruntii ugu weyneyd ee London ayaa horaantii sanadkaan agabkii yaalay ay kala qaaten dad sheeganayo inay lacago ku leeyihiin iyada oo Albaabada loo laabay shaqaalihiina la fasaxay intii hartay.
Tvgu hadda lagama daawado oo kama shaqeeyo wadamada Yurub, carabta, maraykan iyo Ustraaliya waxaana uu shaqadiisu ku kooban tahay qaarada Africa oo kaliya. .

Shaqaalaha la kala direy qarashaadka loo waayey waxaa ka mid ah dhamaan shaqaalihii wariyayaashiii farsamo yaqanadii iyo Kaamiro-maanadii xafiiska Xamar waxayna sheegeen in mushahar loo waayey maamulka Tvguna uusan waxba ka qaban dhaawacyada iyo dhimashada soo gaaray wariyayaasha magaca Tv-ga loo dhibaateeyey, waxaana ka mid ahaa dhaawaca loo geystay wariye Black oo uusan soo hadal qaadi milkiilaha Tvga iyo sidoo kale wariye ku geeriyooday qarax ka dhacay magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Dhamaan shaqadeynii waan joojinay ayey yiraahdeen maamulka iyo shaqalahii hore ee Tvga Somalichannel oo aan ka xusi karno, C/qaadir Koronto oo markii dambe ku biiray SNTV, Muuse Jiisow oo iska mid noqday shaqaalaha TV-ga Puntland, Nimco Maxamed Bashiir oo Tv-ga Horncable ku biirtay, waxaana shaqada isaga tegay Saciid Carab, Deeq Ciise, Xamdi Xiis iyo Gacal.

Xafiiska dibedana shaqaalaha ugu muhiimsan ee Tv-ga Somali chanel isaga tegay waxaa ka mid ah weriyeyaasha kala ah Xasan Shiikh Axmed (Xasan-cadde), Saciid Fadheeye, Cabdi-good Abees, Mustafe Cabdi Xuseen (Shaafi), Ibraahim, Feysal Caseyr, Caluula C/kariin Cali Kaar, Saciid Seef iyo qaar kale.
Sidoo kale waxaa la waayey boqolaal kun oo dollar, iyadoo shir ay wada qaateen culimadii kaalmada u arurin jiray dadka dhibaataysan iyo kuwa xanuunsan waxay isla garteen in qarasahaadkii uu hayey Mahdi guddi la xisaabtama ay iska soo saaraan, waxaana dhacday in la waayey dhamaan lacagihii culumadu u aruuriyeen dadkii jilicsanaa iyo tii xayeysiimaha.
Waxaa yaraaday imaanshiyaha xafiiska ninka lagu tuhmayey inuu haayo lacago dhowr bilood laga qaadayey haween iyo dad kale oo ugu deeqay ama ku sadaqeystay dhibanayaal.
Ugu danbeyntiina culumadii Tv-ga lacagaha sadaqada ah uga aruurin jiray dadka dhibanayaasha ah waxay ku kala biirtay TV-yada kale si ay howshooda halkeedii uga sii wadaan halka saamileydii qaarkood ay sheegeen inaan lacagtoodii weli la siinin kana baxeen shirkadii Somali-channel maadaama ay cuslaatay in la is aamino kala shakina soo kala dhaxgalay milkiilayashii Tvga Somali-channel iyo dadka wax loo xayeysiiyo.
Qaar ka mid ah telefishinada Soomaalida ayaa horey albaabada loogu laabay ka dib markii qalalaase dhaqaale ay soo wajahday, waxaana ka mid ahaa telefishinada ay ka mid yihiin RAAD iyo S24.
Waxaa isku soo duway

Mahad Xasan Cali

mahad33@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook