Wafdi uu Hogaaminayo Ugaaska Beesha Ceyr oo u ambabaxay Degaanadii lagu Dagaalamay

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in halkaasi ay ka ambabaxeen Wafdi uu Hogaaminayo Ugaaska Beesha Ceyr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed,waxaana ay u baxeen Degaanadii lagu Dagaalamay ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga ayaa la soo warinayaa in Ujeedka Booqashadooda ay tahay u kuur galida Xaalada Dhabta ah ee Degaanadii ay ku dagaalameen Ciidamada Liyuu Boolis iyo Dadka Shacabka ah iyo sidii loo dhaqan galin lahaa Xabad joojin ay ku heshiiyeen Wafdi DFS ka mid ah oo Jigjiga tagay iyo Madaxda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Degaanada lagu dagaalamay ee Xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Itoobiya ayaa laga soo sheegayaa in Dadka halkaasi ku nool ee Dagaalka uu saameeyay ay u baahan yihiin Gargaar Caafimaad iyo mid Cuno.

Sidoo kale waxaa jira Qoysas gaaraya 500 oo Qoys oo Degaanka Galijir ku soo gaaray Barakac kuwaas oo ay haysato Xaalada adag.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook