Wasiirkii Caddaaladda ee Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame oo is-casiley

Wasiirkii Caddaaladda ee Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa xilkiisi si rasmi ah isaga casiley manta oo Sabti ah. Wasiirka oo Saxaafadda kula hadley gudaha xaruna Puntland ee Garoowe ayaa is-casilaadiisa ku sababeeyey arrimo dhawr ah.

Ugu horeyntii wuxuu si cad u sheegey wararkii sida weyn la isula dhex-marayey ee Golaha Wasiirada cusub ee la doonaayo in lagu dhawaaqo in ay tahay mid jirta, isagu in uu sii ahaado Wasiir iyo in kalena ay isku qabsaeen Madaxweynaha iyo ku-igeenkiisa, taasina ay ku laiftey in uu xilka iskiis u baneeyo. Wasiirka ayaa saxaafadda u xaqiijiyey jiritaanka khilaafka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa marka la eego isku shaandheynta iyo wax ka beddelka golaha Wasiirada. Madaxweynaha iyo kux-igeenkiisu midna kama hadlin khilaafkaas.

Wasiirka xilka baneeyey ayaa dhanka kale shegey in Wasaaraddiisu tirsaneyso in aysan helin wax xuquuq ah oo 8 bilood ee la soo dhaafey aysan si nadiif ah u helin xuquuqdooda.

Ismaciil Maxamed Warsame ayaa ka tirsan Golaha Wakiilada ee Puntland, waxaana uu ka mid yahay Xildhibanada Sool & Cayn.

wa

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook