Wiil uu dhalay abwaan Sangub oo lagu dilay Minneapolis

Wiil uu dhalay abwaanka caanka ah ee Maxamed Cabdullaahi Ciise (Sangub) ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Abwaanka oo ku sugan Muqdisho ayaa idaacadaha maxalliga ah ee caasimadda u xaqiijiyay dhimashada wiilkiisa Allamagan oo 24 jir ahaa.

Sangub ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dilka wiilkiisa.

Booliska ayaa sheegay inay rumaysan yihiin inay dhacdadu ahayd mid ku-talagal ah, baaritaan ayayna billaabeen.

Magaalada Minneapolis waxaa ku nool Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka, dhowr jeer oo horena waxaa ka dhacay dilal noocaan oo kale ah oo loo gaystay dhallinyaro Soomaali ah.

Allamagan

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook