Xasan Sheikh oo Ka hadlay Arinta murugsan ee Jubba,Isku shaandhaynta Golaha wasiirada(Shir Jaraa`id) +cod

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qabtay Shir Saxaafadeed,ayaa ka hadalay arimo badan,isaga oo Madaxwayne Xasan uu ka jawaabayey dareenka shacabka iyo Maamulada dalka Soomaaliya ka jira,ee ay kamid yihiin maamulka Jubbaland oo waaydan danbe qaylo dhaan dhanka Dowladda Soomaaliya kagag timid ay ku fureyd,wuxuuna Madaxwaynaha Soomaaliya shacabka Soomaaliyeed oogu bishaareyey in Xal Waar ay Dowladdiisu doonayso in ay ka gaadho Xaaladaha taagan.

“Cabashada Jubbaland iyo dareenka shacabka waxaan doonayna in Xukuumadu ay Jawaab ka bixiso,horey ayuuna Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya balan u qaaday in gudiga Golaha Wasiirada ay hawshaas soo dhameeyaan,markii uu Kismaayo tagayna maamulka Jubbaland way ka wadahadleen”Waxaa sidaas yidhi Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud.
Maamulka Jubbaland ayaa wali u arka in Madaxwaynaha Soomaaliya ay lug u laaban tahay,Waxayna Wararku sheegayaan in Madaxwayne Axmed Madoobe uuna Mara ku qancin hadalada Dowladda Soomaaliya ka soo yeedhay ee ah in Dowladdu ay doonayso in xal ka gaadho Arinta maamulka

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook