Xiisad u dhaxeeysa Somalialnd iyo Puntland oo ka taagan Gobolka Sool +Cod

Wararka ka imanaya duleedka gobolka Sool ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka jiraan,kuwaas oo u dhexeeya Ciidamada Maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay in ay bilaaeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku galaan dhul ay sheegato Somaliland in ay iyadu leedahay.

Ciidamada mamulka Somaliland ayaa dhinacooda waxa ay bilaabeen in ay heegan balaaran galiyaan ciidamo si gaar ah u tababaran oo ay doonayaan in ciidamadaasi ay ka hortagaan.

Dadka ku nool gobolka Sool ayaa muujinaya walaaca ay ku qabaan dirirta soo laalabata ee u dhaxeeysa Somaliland iyo Puntland.

Xiligii uu Ololaha ku jiray Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu sheegay in Dhulka ka maqan Puntland ee Soomaalialnd ay Maamusho in aan Faataxo looga qabsan oo uusan ku maqneyn Faataxo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook