XOG”Kenya iyo Ethiopia oo Arinta Murugsan ee Jubbaland iyo Xaalada Ka soo Cusboonaatay

Tan iyo Markii ay bilawdeen qul qulatooyinkii Siyaasada deegaanada Jubbooyinka iyo DF Soomaaliya ,waxaa soo baxayey hadal haynta ka soo baxaysa Dowladda Kenay ee ku aadan deegaanada Jubbooyinka,waxaana maalmihii u danbeyey ay Saxaafadu hadal haysay hadalo ka soo yeedhaya Dowladda Kenya iyo maamulka Jubbaland,kuwaas oo Sheegaya Barnaamij cusub oo dhanka Amaanka deegaanada Xuduudaha dhaca ah .

Hadaba Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha gudaha Soomaaliya Dowladii Prof Cabdiwali Sh Axmed Mudane C/Laahi Goodax Barre ayaa isagoo Tvga Qaranka ee SNTV ka hadalyey wax uu daaha ka qaaday Siyaasada labada dalka wuxuuna sheegay in dalalka Ethiopia iyo Kenya Ciidamada Soomaaliya ka jooga ay u joogaan dahan dalalkooda ee ayna ahayn mid dan u ah Soomaaliya.

“Anigu wax badan ayaan kusoo dhexjiray Dowladaha, Ethiopia iyo Kenya Maslaxad uma hayaan Soomaaliya, waxa kaliya oo ay doonayaan waxa ay tahay in danaha Wadamadooda ilaashadaan, Kenya ma dooneyso inay dhaafto Kismaayo Ethiopiana ma dooneyso inay dhaafto Galgaduud iyo Baydhabo” ayuu yidhi C;aahi Goodax Barre Goodax.

Dowladda Kenya ayaa iyadu aha suulfaro ka gooni,waxayna dadka Soomaaliyeed ka baxanyihiin in Dowladdu ayna wax shaqoah kulahay Barnaamijka Siyaasadeed ee deegaankada Jubbooyinka Jira,waxayna Siyaasiyiinta deegaanadaas garabka ku hayaan haba qorshayaasha ka jira gayiga,inkastoo Maamulka Axmed Madoobe ay garan wayn siiyaan Ciidamada Kenya oo Xiligaas Siyaasada ahan ka amar qaadanayey Wasiirkii hore ee Gaashaandhigan dalka Kenya Maxamed Yusuf Xaaji oo isagu xiligan kamid ah dadka u ol olaynaya in Ciidamada Kenya ay ka soo baxaan Soomaaliya.

Cabdulaahi Goodax Barre Wasiirkii hore oo arimaha gobolada dhexe ee Soomaaliya kahadalyey ayaa yidhi Qabsashadii Ehlu-sunna ee gobolad dhexe ee Soomaaliya,Dowladda Ethiopia waxbadan ayey kala socotaa,waxyna tahay ujeedada ka danbaysay in maamulka gobolada dhexe ee dalka gacanta loo galiyo shaqsi ay Ethiopia wadato.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook