Yasidis-ka Ciraaq oo argoosasho ku kacay

Malayshiyo ka tirsan Yazidis-ka Ciraaq ee Shaydaanka caabuda ayaa ku kacay fal aargoosi ah, kadib markii ay tuulo ku taala dalka Ciraaq ku dileen 21 qof oo Sunniyiin ah.

Dadka Yasidis-ka ee dalka Ciraaq oo ah kuwo laga tiro badan ayaa dhibaato xoog leh ka soo gaartey Ururka ISIS, ficilka ay kula kaceen dadka rayidka ah ee Sunniyiinta ah ayey uga aargoosanayaan dhibaatadii soo gaartey.
Warbixin ay soo saartey Hay’ada Amnesty International ayey ku sheegtey Malayshiyo la hubeeyey oo ka tirsan bulshada laga badan yahay ee Yazidis-ka ayaa weerar ku qaadey Tuulooyinka Jiri iyo Sibaya, ee ku dhaw buuraha Sinjar ee ay degaan bulshada Yazidis-ku, waxaana ay halkaas ku dileen caruur, haween iyo dad waa weyn oo Sunniyiin ah aargoosi dartiis.

Ficilada caynkan ah ayaa ah kuwo horey loogu bartey Malayshiyaadka Shiicada ah ee sida goonida ah uga barbar dagalama ciidamada Ciraaq, waxaana lagu eedeeyaa in magaalada Tikrit ay ka geysteen xasuuq kadib markii ISIS ay isaga baxeen halkaas, sanadkan 2015.

 

HALKAN KA AQRI

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook