Zlatan Ibrahimovic oo afar kooxood oo waawayn ay isku haystaan

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiseyneyso soo qaadashadda weeraryahanka kooxda PSG ee reer France ninka lagu magacaabo Zlatan Ibrahimovic.

33 jirkan ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo isaga tagista kooxdiisa PSG waxaana aad u baadi goobaya kooxo badan oo ay ka mid tahay kooxdisi hore ee AC Milan.

Haddaba Kooxda Arsenal ayaa iminka ku soo biirtey dadaalka loogu jiro soo qaadashadda xiddigan iyadoona u aragta in uu u muhiim yahay xiligan la joogo.

Marka Milan iyo Arsenal oo ah kooxaha aadka u doonaya laga soo tago waxaa sidoo kale saxiixa Zlatan Ibrahimovic aad u baadi goobaya kooxaha kala ah Chelsea iyo Liverpool oo iyagana u arka saxiixa Zlatan Ibrahimovic in uu yahay mid iyaga u muhiim ah.

Dhanka kale kooxaha Liverpool ayaa AC Milan kula dagaaleysa saxiixa weeraryanka PSG Zlatan Ibrahimovic.

Weeraryahan la’aan ayaa hoos u dhigtay xagaagan Liverpool waxaana ay badalkii Suarez ay u arkaan Ibra.

Ciyaaryahanka Sweden ayaa la sheegay inuu saaxibadiisa u sheegay inuu ka tagayo PSG waxaana ay kooxdiisa diyaar u tahay iney dirto sidaas waxaa qortay Tuttomercatoweb.
AC Milan ayaa dooneysa iney dib u soo ceshato laakiin Ibra waa kala laba labeynayaa inuu ku laabto hayeeshee Liverpool ayaa u raadineysa £10.9million.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook