Al-shabaab oo Xukun dal-dalaad ah ku fuliyey 5 ruux + Magacyadooda

Ururka Alshabaab qeybteeda ku sugan Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, ayaa gelinkii dambe ee maanta fagaare ku yaala Degmadaasi ku toogtay Shan ruux oo ay usoo jeediyeen eedeyn.

Shanta ruux ee la dilay ayaa waxaa kamid ahaa ruux dilkiisa loo adeegsaday Gowrac, kadib markii ku eedeeyen inuu ahaa Hagaha diyaarad duqeyn ka geysatay goobo ay Alshabaabku maamulayeen.

Afarta kale ayaa waxa ay Alshabaab ku eedeeyen inay ahaayen kuwo la shaqeynaayay Dowladaha Somaliya iyo Mareykanka, isla-markaana ay u gudbin jireen macluumaadka Al Shabaab.

Qaadi ka tirsan Maxkamadda Degmada Saakow ee Ururka Al Shabaab, ayaa Fagaarahaasi ka sheegay in raggaasi ay la shaqaynayeen Dowlada iyo shaqsiyaad reer galbeedka ka tirsan.

Qaadigan, ayaa waxaa uu ka digay in lala shaqeeyo dhinacyada dagaalka adag kula jira mintidiinta, isagoona ku cago jugleeyay in ciqaab adag la marsiin doono, cidii basaasnimo lagu helo.

Xiliga falkaasi ay Kooxdu fulineysay ayaa waxaa goobta ku sugnaa boqolaal ka mid ah dadka deegaanka.

Raga ay Kooxda dilka ku fulisay ayaa waxaa kamid ahaa:

1- Aadan Maxamed Isaaq 19 jir

2- C/laahi Xasan Abuubakar 19 jir

3- C/najiib Cismaan Cosoble 19 jir

C/naasir Cali Maxamed 21 jir

4- Axmed Cali Ibraahim 22 jir.

Toogashada iyo Gowraca ayaa imaanaya xili baryahaani danbe ay Alshabaab ahaayen kuwo dhexdooda uu muran ka taagnaa.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook