Aqriso Magacyada iyo Qabiilada ay kasoo jeedaan Xuldhibaanada Hawiye ugu jira Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Beesha Hawiye oo Deegaan badan ku leh Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xildhibaano badan waxa ay ka heshay Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya , waxaana la dhaariyay dhamaan xubnaha kamidka noqonaya Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Sida aan xogta ku helnay Beesha Hawiye ayaa Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka kooban 149- waxa ay ka heshay 20-Xildhibaan, waxaana Xildhibanadaasi ay yihiin kuwa kasoo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa marar badan kordhiyay tirada Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed kadib cabasho kasoo yeertay beelaha qaar.

Shariif Xasan ayaa la sheegay in markii hore Beesha Hawiye u qorsheeyay tiro aad uga yar inta uu hada siiyay kadib markii ay beesha ka biyo diiday kuna cadaadisay in uu ixtiraamo uuna siiyo xaquuqda ay ku leeyihiin Maamulkiisa.
Halkan ka Aqriso Magacyada iyo sida beelaha u kala heleen Xildhibanadaa la siiyay Hawiye

1-Suweeys Ali Hassan ( Hawiye/ Wadalaan)
2–C/salaam Cabdulle Yalaxow ( Hawiye/ Wadalaan Cismaan)
3-Hassan Hussen Max’ed ( Hawiye/ Murunsade)
4-Cartan Abdi Ibrahim Bidaar ( Hawiye/ Murunsade)
5-C/ Naasir Cabdi Caruush ( Hawiye/ Habargidir/ Ceyr)
6-Mahad Cabdi Dhoore ( Hawiye/ Habargidir/ Saleebaan)
7-Abuukar cabdulle raage ( Hawiye/ Abgaal)
8-Ruqiya Abshir Nuur ( Hawiye/ Abgaal)
9-Nuur Ibraahim Cismaan ( Hawiye/ Wacdaan Cismaan)
10-Axmed Maxamed Nuur ( Hawiye/ Wacdaan Cismaan)
11-Abdukadir Abdiraxman Ali (Hawiye/ Gaajecel)
12-Yusuf Ali Max’ed ( Hawiye/ Gaajecel)
13-C/laahi Maxamed Aadan ( Hawiye/ Jijeelle)
14-C/salaam C/laahi Maxamud ( Basaay) ( Hawiye/ Carmale)
15-C/laahi C/raxmaan Ibrahim ( Hawiye/ Sheekhaal Gabdershe)
16-Amino Osman Issak Hussen ( Hawiye/ Jejeelle)
17-Ruqiya Hassan Coloow ( Hawiye/ Xawaadle)
18-Max’ed Ax’ed Max’ed (Baafo) ( Hawiye/Sheekhaal Jaziira)
19-Ibrahim Macalin Aden Osman ( Hawiye/Sheekh Aw Qudub
20-Cismaan Cabdi Muuse ( Hawiye/ Silcis)

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook