Daacish oo Cabsi ku beertay Shacabka & Madaxda Kenya

Dowlada dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday howlgalka wadajir ah oo ka dhan ah Alshabaab ka fulin doonaan xuduuda ay la wadaagaan dalka Soomaaliya, kadib markii Alshabaab weeraro ka geysteen dalka kenya.

Sida dowlada Kenya ay Sheegtay Alshabaab oo u kala jabay Daacish iyo Al-qaacida, garabta Daacish ayaa waxay qorsheynayaaan iney weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya, sida dowlada shaacisay.

Kooxda ayaa weerar la eegatay seddex jeer ciidamo ka tirsan dowlada Kenya oo ku sugnaa magaalada Mandheera ee dalka Kenya, kadib markii qaraxyo waddooyinka loogu aasay.

Fredrick Shisia, gudoomiyaha magaalada Mandheera ayaa sheegay in Alshabaab ay soo cusbooneysiiyeen weeraradii ay ka geysan jireen deegaanada dhaca dhanka xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook