David Moyes oo ay macquul tahay in uu kusoo laabto Manchester Uinted

David Moyes ayaa sheegay in mar kale uu qaadan lahaa shaqada Manchester United haddii mar kale looga yeero garoonka Old Trafford.

Tababaraha reer Scotland ayaa United kaga soo biiray Everton sanadkii 2013 isagoo badalay Sir Alex Ferguson, laakiin waxaa la ceyriyay sanadka ka dib maadaama Man United ka mid noqon weyday afarta koox ee soo aada Champions League.

Moyes Waxa uu maamulayay Real Sociedad tan iyo markii uu ka tagay Unted isagoo sidoo kale laga soo ceyriyay kooxda reer Spain bishii November ee sannadkan, laakiin waxa uu sheegay inuusan ka laba labaynaynin in mar kale uu qabto qaadashada garoonka Old Trafford.

“Waan qaadan lahaa mar kale shaqada United ? Dabcan waan jeclaan lahaa, ” Moyes ayuu u sheegay sidaas BT Sport.

“Waxaa jira tababarayaal aad u tiro yar adduunka, kuwaas oo aan rabin inay maareeyaan Manchester United.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook