Frank Lampard oo daaha ka rogay sir badan oo ka dhexeysay isaga iyo Jose Mourinho

Halyeeygii hore ee kooxda Chelsea Frank Lampard ayaa ka hadlay cayrintii laga cayriyay Jose Mourinho kooxda ka dhisan galbeedka London.

Frank Lampard ayaa sheegay inuu ka soo hoos ciyaaray tababarayaal fara badan xirfadiisa kubadda cagta balse wuxuu sheegay in Mourinho uu yahay tababaraha ugu fiican.

Lampard oo Dubai uga qayb galay shirkii Globe Soccer ee lagu bixinayay abaal marinada heerka caalami ayaa yiri:

“Xiligayga ugu qurxoonaa waxaan ku soo qaatay Blues, waxaan aaminsanahay inaan nasiib u lahaa ka hoos ciyaarida tababarayaal fara badan shakina kuma jiro in Mourinho uu ahaa kan ugu fiican”.
“Ma go’aamin karo in Roman Abramovich uu ku qaldanaa cayrinta Mourinho iyo inuu ku saxnaa, laakiin booska 17-aad ma ahan mid ku haboon Chelsea”.

“Waan ogaa in Mourinho uusan la sii joogi doonin Chelsea xiliciyaareed kan,sidaas darteed isbadal muhiim ayuu ahaa, waxaan aaminsanahay in Guus Hiddink uu yahay tababare wanaagsan, awood badan ayuuna siin doonaa kooxda”.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook