Goorta uu furmi doonaa Shirka Maamul usameynta Sh/Dhexe iyo Hiiraan oo lashaaciyay

Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa ka soconaya qaban qaabada lagu dhisayo maamulka gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wasiirka Arimaha gudaha DF Soomaaliya Cabdi Raxmaan Odawaa ayaa sheegay in maamulka goboladaas uu JOWHAR ka furmi doono todobaadka soo socda.

“Shirka todobaadka soo socda ayuu Jowhar ka furmayaa, maalinta dib ayaa ka soo sheegeynaa, magaalada waxaa imaanaya ergooyinka labada gobol, madax soomaaliyeed oo furitaanka shirka ka qeyb galaya”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Wasiirka ayaa tilmaama in dhamaan ergadii labada gobol ee ka qeyb gali laheyed maamul usameynta ay Jowhar gaari doonaan.

Madaxweynaha DF Soomaaliya ayaa la filayaa inuu gaaro gudaha magaalada Jowhar si uu shirkaas ugu furo.

Ilo Xog ogaal ah oo ay heshay Warqaad.com ayaa sheegaya in wali khilaaf xoogan uu ka taagan yahay qaabka loo sameynayo maamul goboleedka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook