Guus Hiddink oo sheegay in Fabregas uu ku faraxsanyahay kooxda

Guus Hiddink macalinka ku meel gaarka ee kooxda Chelsea ayaa ka hadlay dhowr arimood oo ay ka mid yihiin kulanka soo aadan, dhaawacyada iyo sidoo kale suuqa kala iibsiga ka hor kulanka ay kooxdiisa wajihi doonto Crystal Palace kulankii 20-aad ee horyaalka Premier League.

“Crystal Palace waxay ka mid tahay kooxa ugu wanaagsan Premier League ee dhanka daafaca, waana inaan ku fikirnaa qaabkii aan kaga guuleysan lahayn, mana jiri doonto wax la dhahayo barbaro”.

“cahill wali waxa uu qabaa dhaawac, Falcao iyo Remy iyaguna safashadooda kulankan waxaa ku jira shaki, balse Fabregas ayaa waxa uu si wanaagsan u qaatay tababarka kooxda waxaana suura gal ah inuu ku soo bilaawdo kulanka soo aadan waana uu ku faraxsanyahay kooxda”

“ma jirto xidigo ka mid ah kooxda oo ka tagaya bisha January, waa ii muhiim joogistooda, sidoo kale Drogba ma jirto wado uu ugu soo laabto kooxda Chelsea, wuxuu wali heshiis kula jiraa kooxdiisa Montreal”.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook