Lionel Messi Oo Ku Guuleysatay Xidiga Sanadka Abaalmarinta Globe Soccer Award +Sawiro+Video

Hogaamiyaha kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa loo magacaabay xidiga ugu wanaagsan sanadka waxaana la gudoonsiiyay abaalmarinta Globe Soccer Award oo sanadkiiba xiligaan oo kale la bixiyo xaflad ka dhacday Dubai.

Kooxda Bulgarana oo xili ciyaareedkii tagay ku guuleysatay koobabka sadexleyda sidoo kalana ku guuleysatay koobka kooxaha Aduunka ayaa loo doortay kooxda sanadka halka madaxweynaha kooxda Barca Josep Maria Bartomeu loo doortay madaxweynahii ugu fiicnaa sanadka.

Messi oo xili ciyaareedkii hore ay dhaawacyo hareeyeen ayaa dhaliyay 58-gool isagoo kooxdiisa ka saaciday iney ku guuleysato koobabka sadexleyda loo yaqaano.

Sidee Loogu Kala Guuleystay Abaalmarinta Globe Soccer Award Sanadkaan 2015

Xidigii Ugu Fiicnaa – Lionel Messi

Kooxdii ugu Fiicneed – Barcelona

Madaxweynahii ugu fiicnaa – Josep Maria Bartomeu

Kooxdii Ugu Soo jiidashada Badneyn Saxaafada – Barcelona

Player Career Award- Frank Lampard

Player Career Award – Andrea Pirlo

Wakiilkii Ugu Fiicnaa – Jorge Mendes

Macalinkii Ugu Fiicnaa – Marc Wilmots

Xerada Ugu Fiican – Benfica

Best GCC Player 2015 – Yasir Al-Shahrani

Garsooraha Ugu Fiican – Ravshan Irmatov

Si kastaba xerada La Masia ayaa lagu garaacay sanadkaan iney noqoto tii ugu fiicneed waxaana booska ka galay xerada kooxda Benfica sdidoo kalana macalinka xulka Belgiumka Wilmots ayaa loo doortay macalinkii ugu wanaagsanaa sanadka, waxaana meesha aan ka marneyn in halyeeyada England iyo Azzurri – Frank Lampard iyo Andrea Pirlo la gudoonsiiyay abaalmarino shaqsiyadeed oo quseeya xili ciyaareedyadooda.

Messi

Lampard

Mendes

Pirlo

wILMOTS

b

bb

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook