Masar oo ka hadashay Xaalada Daacishta imaaneysa Somaliya

Dr. Ibrahim Najam ayaa sheegay inay soo saareen Fadwo ku aadan inaysan Daacish xaq u lahayn inay iclaamiyaan Dagaal Jihaad ah iyo inay isbedel ku sameeyaan Diinta, waa sida uu hadalka u yiri.

La-taliyaha oo Wareysi siiyey Wargeyska Asharqal-awsad ayaa sheegay inay Maleeshiyadda Daacish bilaabeen inay ka soo firxadaan dalalka Syria iyo Iraq, waxayna u soo jiheysteen dalalka Somalia, Libya iyo Nigeria, si ay uga bilaabaan Kacdoonkooda.

Dhinaca kale, Fadwada ay soo saartay Daarta Fadwada Masar ayaa lagu muujiyey inay Daacish loolan ugu jirto sidii ay ugu xoogeysan lahaayeen dalalka Somalia, Kenya, Nigeria, Libya iyo Mali.

Qoraalka ayaa lagu muujiyey inay Dagaalamayaasha Daacish u soo foofeen iMnay Somalia ka hawlgalaan, iyadoo horey loo sheegay inay joogaan Dagaalyahano Taabiciin ama Taageerayaal u ah Daacish.

Xarakadda Alshabaab ayaa horey u sheegtay inay surka ka jari doonaan kuwa taageera ama ku biira Kooxda Dacaish, iyadoo ay Alshabaab horey Heshiis la galeen Ururka Alqaacida.

Qoraalka Fadwada ee ka soo baxay dalka Masar ayaa ku soo beegmayo iyadoo ay Dowladda Kenya shaacisay inay Alshabaab iyo Daacish ka hawlgalaan Kaymaha Booni iyo deegaano ku yaalla W/bari Kenya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook