Maxaa ka jira in deegaano katirsan P/Land lagu faafiyay Mad-habka Shiicada +Cod

Waxaa maanta shir lagu qabtay magaalada qardho isugu yimid qaybaha kala duwan ee Bulshada & Maamulka Degmada Qardho ee xarunta Gobolka karkaar, waxaana shirkaas uu salka ku hayay ka jawaabida war shalay kasoo baxay Hay’ada Nabad sugida Qaranka Soomaaliya NISA oo lagu sheegay in Qardho laga Faafiyo Mad-habda shiicada oo haatan Soomaaliya la sheegay inay joogaan rag faafiya.

Gudoomiyaha Degmada Qardho ee Gobolka karkaar Cabdi Saciid ayaa shirka Jaraa’id ugu horayn ka hadlay waxaana uu cadeeyay in qardho aysan joogin dad shiico ah ama dad u dhashay Iiraan, waxaana intaa uu raaciyay in aysan jirin arrinkaas
”Qardho waa Magaalo ay ku nool yihiin Dad Muslim ah oo Suni ah, waxaana dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba u sheegaynaa in warkaas uusan ahayn mid run ah waxaana codaanaynaa in dabagal rasmi ah lagu sameeyo warkaas been abuurka ah” Ayuu Yiri Gudoomiyaha Degmada Qardho.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook