Muhaajir Senegal u dhashay oo ku guuleysta lacago aad u farabadan oo Bakhtiyaanasiib ah Dalka Spain +Video

Wargeyska Alberodiko ee kasoo baxa dalka Spain ayaa sheegay in muhaajir u dhashay dalka Senegal oo ku yimid doon dusheeda uu ku guuleystay bakhtiyaanasiibka” El Gordo “taas oo lagu qadaray lacag gaareysa 400 kun oo Euro.

Wargeyska ayaa tilmaamay in ” El Gordo ” ay tahay tan ugu weyn dhaqana u ah dalka Spain xilliga iidaha sanadka cusub xiliyadan oo kalena lagu guuleysto.

Hadaba sanadkan waxaa ku guuleystay Njajny oo u dhashay dalka Senegal oo da’diisu tahay 35 jir oo waliba shaqo la’aan ah.

Ninkana Senegal ka ah ayaa la hadlay saxaafadda isagoo yiri”Waxa dhacay ma rumeysan karo,hadda jeebkayga 5 Euro xataa kuma jirto,Spain daraadeed ayaan hadda halkan ku joognaa, waxay naga badbaadiyeen inay badda ku dhimano”.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook