Mustaqbalka Cristiano Ronaldo oo lacadeeyay +SAWIRRO

Cristiano Ronaldo ayaa sii joogi doona Real Madrid shanta,lixda iyo 7-sano ee soo aadan,sidaas waxaa xaqiijiyay wakiilkiisa Jorge Mendes.

Jorge Mendes ayaa qaba Ronaldo inuusan koox kale ku biireyn oo uu kabaha kubada cagta isaga siibi doono kooxda ka dhisan Caasimada Spain ee Madrid.

Waxaa uu hubaa in 7 sano soo aadana uusan Real Madrid meelna uga socon.

Jose ayaa shaqada Chelsea laga casilay 11 maalin ka hor sababo la xariira natiijoyinka kooxda oo aad u liitay .
Jorge Mendes ayaa warbaahinta ka yiri ” Mourinho waxa uu haatan joogaa Brazil , mana jiraan wax xaqiijin kara in uu ku laabanayo shaqo Spain ah , Ingiriiska ama Italy ah “.

” Marka uu macalinka ka soo laabto safarkiisa ayaan ka odarseynaa doorashooyinka waan arkeynaa halka mustaqbalkiisa uu ku biyo shubto , si waliba oo ay ahaato Mourinho waxa uu sii ahaanayaa tababaraha ugu fiican dunida”.

Tani waxaa ay meesha ka saareysa wararka sheegaya in Ronaldo uu ka tagayo Real Madrid marka uu dhamaado xili ciyaareedkan.

Hadalkan ayuu Mandez ka sheegay xaflada Globe Soccer ee ka dhacday magaalada Dubia.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook