Nicholas Kay oo ka dhoofay Somaliya + Macsalaama Somaliyeey

Wakiilkii hore ee gaarka ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qabailsanaa Soomaaliya Nickolas Key ayaa shalay oo Talaado ahayd kuna beegneyd 29-12-2015ka waxaa uu ka dhoofay magaalada Muqdisho kadib markii ay dhamaatay shaqii uu ka hayay Soomaaliya Labo Sano iyo Bar kadib.

Munaasibad yar oo lagu sagootinayay Nickolas Key ayaa waxaa ay ka dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,waxaana uu ka horta uusan dhoofin ka hadlay wixii u qabsoomay intii uu joogay Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya uu ka tagayo isaga oo ay ka buuxdo Xusuustiisa Mustaqbal wanaagsan oo u ifaya Soomaaliya sida uu sheegay.

Waxaa kale oo uu yiri “maanta aad ayaan u farax sanahay, sida Wasiir Hadliye sheegay Soomaaliya hadda waa Nabad,Barwaaqo waana Dimuqraaddi, dhamaan arrimahaas Sedex Sano ka hor kama jirin halka,hadda ayey jirtaa Soomaalida ayaa sameeyay, iyaga ayaana ku mahadsan,waxaa kale oo aan u mahad celinaya beesha Caalamka iyo Saaxiibada Qaramada Midoobey ee aanw ada shaqeeynay,waxaan xusuusan doonaan Dhoollacaddeynta Soomaalida,sida marka ay murmaan uga wadahadlaan arrimahooda gaarka ah, iyo Mustaqbalka ifaya ee Soomaaliya”

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Salaan Hadliye Cumar oo ka mid ahaa Masuuliyiinta ka qeybagashay Sagootintiisa ayaa waxaa uu ka mahad celiyay howsha uu u hayay Qaramada Midoobey iyo horumarka ay gaartay Soomaaliya.

Shaqada Nickolas Key ee Soomaaliya waxaa ay ku egtahay 31ka Bishan December, o ku beegan Maalinta Khamiista ee Berri ah,waxaana uu hadda joogaa Magaalada Nairobi.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook