Odayaasha Bay iyo Bakool oo Weerar ku qaaday beesha Ogaden kadib Maamulkii Ceel-Barde +Cod

Xili barlamaanka Koofur galbeed lagu kordhiyay xildhibaano badan ayaa Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiine waxaa uu sheegay in sababta loo kordhiyay tirade xildhibaannada Koonfur Galbeed ay tahay cabashada beelaha sidii looga gudbi lahaa.

Dhanka kale waxaa uu tilmaamay inuu ka yaaban yahay sababta ay beesha Ogaden maamulka ugu sameysay Ceel-barde xili uu sheegay in kaliya hal qeyb ay beeshaas ka degto magaaladaas Ceel-Barde.
Malaqa ayaa sheegay in faragalin shisheeye ay ka jirto degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool oo maamullo kale ay qas ka wadaan, kaasoo uu ka carrab dhoway maamulka Jubba ee Axmed Madoobe.

Malaaqa ayaa soo jeediyay in wax walba wada hadal lagu xaliyo oo aysan cabashada laga dhigin mid qolo kasta ay abuurato.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook