Ra’isul Wasaaraha dalka ciraaq oo rasaas xoogan lagu furay diyaarad uu Saarnaa

Haydar Al Abadi oo aah Ra’isul Wasaaraha Dalka Ciraaq oo shalay magaalada Ramaadi diyaarad nuuca helikopterka ah kutagay aya dagaalyahano katirsan kooxda Daacish oo ku sugnaa duleedka Magaalada Ramaadi ay rasaas xoogan ku fureen diyaaradii uu saarnaa R/Wasaaraha.

Rasaastaasi lagu furay Diyaarada ayaa la sheegay in ay ka bad baadeen Ra’isul Wasaaraha iyo Xubnihii kale ee la socday, waxa ayna booqdeen xarumihii laga saaray dagaalyahanada Kooxda Daacish ee Magaalada Ramaadi.

Haydar Al Abadi, oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Ramaadi ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin guusha ay ciidamada Dowlada ka gaareen dagaalkii Kooxda daacish kula galeen Magaalada Ramaadi, waxa uuna cadeeyay in uu sii socon doono dagaalka Daacish looga xureenayo guud ahaan Dalka Ciraaq.

Ciidamada Dowlada Ciraaq ayaa maalmo kahor waxa ay la wareegeen Magaalada Ramaadi ee xarunta Gobolka Al-Anbar, waxaana Magaaladan mudooyinkii dambe maamulayay Kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook