Roberto Mancini oo kulan fool ka fool ah Doha kula yeeshay Ezequiel Lavezzi

Macalinka kooxda Inter Milan Roberto Mancini ayaa qiray in kooxdiisa ay dooneySO ineey la soo saxiixato xidiga kooxda Paris Saint Germain Ezequiel Lavezzi xili ciyaareedka soo aadan.

Inter Milan ayaa haatan ah kooxda hogaamineysa horyaalka dalka talyaaniga, wuxuuna macalinkan doonayaa inuu xili ciyaareedkan uu kula guuleysto kooxdiisa Horyaalka Serie A-da dalka talyaaniga.

Wargeesyada ka soo baxa gudaha dalka talyaaniga ayaa waxay maalmahanba hadal hayeen in kooxda Inter Milan ay dooneyso lasoo saxiixashada Lavezzi bisha January ee soo aadan.

“January wargeesyadoo idil waxay ka qoreen wax ka gadisan waxa lagu wado inuu ka dhaco suuqa kala iibsiga, gaar ahaan kooxda Inter”.

“ilaa iyo haatan manihin kuwa baadi goob ugu jira saxiixa xidigo hor leh, waxaan haysaan ilaa iyo haatan koox aad u wacan”. Sidaasi waxaa yiri macalinka kooxda Inter Milan Roberto Mancini.

Warar saaka soo baxayay ayaa sheegayayay in labadan nin ay kulan ku yeesheen Doha taasi oo wax badan leesla meel dhigay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook