Soomaali iyo Kenyaati isku dhinac Noqday + Caqabad Ka taagan Nairobi

Milkiilayaasha Dhismayaasha iyo Ganacsatadda Xarumaha Ganacsiga ee Xaafadda Islii ayaa shalay Kulan ka yeeshay Nadaafad-xumida ka jirta Deegaankaasi, iyadoo Waddooyinka buux dhaafiyeen qashinka.

Wargeyska The Star ayaa maanta qoray in Kulankaasi lagu go’aamiyey inaan la bixin wax Canshuur ah, tan iyo inta uu Maamulka Nairobi wax ka qabanayo gudaafadda hor dhooban Goobaha Ganacsiga ee Islii.

Go’aanka waxaa kaloo lagu xusay inaan la bixinin Lacagta Shatiga Ganacsiga iyo Milkiyadda Guryaha laga bilaabo sannadka soo socda ee 2016-ka oo ay maalmo kooban ka harsan.

Tallaabadaasi ayaa u muuqata Go’Aan Cadaadis-saar ku khasbayo Maamulka Dowladda Hoose ee Nairobi inay wax ka qabtaan Adeegyadda Asaasiga ee Nadaafadda iyo Faya Dhowrka Xaafadda Islii oo lagu naanayso Muqdisho Yar “Little Mogadishu”.

Xildhibaan Osman Ibrahim oo laga soo doortay Waqooyiga Islii ayaa u sheegay Milkiilayaasha Mehradaha Ganacsiga in Isfaham lagu dhamaynayo arrinta, wuxuuna xusay inuu ka codsaday Garyaqaan inuu Maxkamadda ka keeno Qoraal lagu amrayo in lagu joojinayo Kharajka ay Ganacsatada bixiyaan.

Xildhibaanka oo sheegay inuu Ganacsatada taageersan yahay waxa uu tilmaamay inuu Dastuurka fasaxayo in la qabto Dibadbaxyo Nabadeed oo lagu difaacayo Xuquuqda qofka kale.

Dhinaca kale, Kenyaanka waxay Twitterka ku naqdiyeen Waxqabad la’aanta Guddoomiyaha Maamulka Nairobi, Evans Kidero, gaar ahaan qashinka dhex ceegaaga qeybo ka mid ah magaalladda Nairrobi oo ay ku jirto Xaafadda Islii.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook