Soomaaliya iyo Imaaraatka oo Arin Muhiim ah Qalinka kuwada duugay

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federalka, C/risaaq Sheekh Cali Baqdaadi waxa uu Kulan la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Somalia, Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi, waxayna ka wada hadleen xiriirka labada Waddan.

Kulankaasi oo ka dhacay Safaaradda Imaaraadka ku leedahay magaalladda Muqdisho, waxay Wasiirka iyo Danjiraha ka wada hadleen Xiriirka Labada Waddan iyo Mashaariicda ay Imaaraadka ka fuliyaan Somalia.

Wasiirka waxa uu ka mahad celiyey Taageeradda muhiimka ee ay Dowladda Imaaraadka u fidiyaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyadda Horumarinta iyo Adeegyadda Samafalka Aadminimo.

Danjiraha Iimaaraadka waxa uu isagana tilmaamay inay xoojinayaan Taageeradda dhinacyadda badan ee ay u fidiyaan Dowladda Federalka iyo Dadweynaha Soomaaliyeed.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook