Wado Ku Taala Caasimada Dalka Yemen Oo Lagu Dhajiyay Tabeela Wayn Oo Ah Sawirka Madaxweeyne Geele +Sawirro

Dalka yemen ayaa ku muujiyay saxiibtinimada ka dhaxaysa jamhuuriyadda jibouti sawir aad u weyn ama tabeele laga taagay wado muhiim ah, oo ku taalla caasimadda cadan ee dalka yemen.
Sawirkan oo lagu xardhay ereyo lagu muujinayo saxiibtinimada labada dal iyo soo dhaweeyntii dawladda iyo shacbiga reer jabuuti ay u sameeyen qaxootiga walaalahood ah ee kasoo caraaray dagaaladii yemen ka dhacay.MAHASAANID JIBOUTI ayaa ka mid ah ereyadii sawirka lagu muujiyay.

Madaxweeynaha jabuti ayaa tan iyo markii qaxootiga reer yemen kasoo qaxeen dalgaalada ku amray dhamaan laamaha kala duwaan ee dawladiisa soo dhaweeynta dadka tabaalaysan ee qaxootiga.

Yemen oo ah dal ay jamhuuriyadda jabuuti wadaagan cuduud dhanka baddaah islamarkana ay wadaagan dhaqaan iyo diin iyo sido kale muwaadinin reer jabuuti ah oo kasoo jeeda dalka yemen,ayaa dhacdadan tabeelahan weyn ee lagu mujiyay sawirka madaxweyne ISMACIIL CUMAR GEELE ka turjumaya mid taarikhda gala oo isku soo dhaweeya shucuubta laabada dal.

geele gele

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook