Wasiiro iyo Xildhibaano ka qeyb galay Kulan Loogu baroor diiqayay Wabar Axmed Wabar Cabdi+ Sawirro

Kulan loogu baroor diiqayay Wabar Axmed Wabar Cabdi Wabarka Guud ee Beesha Baadicade ayaa lagu Qabtay Hotel City Palace ee Magaalada Muqdisho,waxaana ka soo qeybgalay Wasiiraka Arimaha Gudaha iyo Federaalka,Wasiirka Amniga Gudaha,Wasiirka dhalinyarada iyo Cayaaraha,Wasiiru Dowlaha Maaliyadda,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka,Dhaqanka ugu sareyo Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya,Ganacsato,Ururada Haweenka iyo Marti sharaf kale.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Dowladda Somaliya C/raxman Xuseen Odawaa oo ka hadlay Kulanka Tacsida ayaa dhaammaan Beeshii uu ka Geeriyooday Wabarka Axmed Wabar Cabdi ugu tacsiyeeyey in uu Samir iyo Imaan ka siiyo,waxa uuna Wasiirka sheegay”Somalida inteeda badan waxaa kala xaliya Hogaanka dhaqanka,dhibaatooyinka jirana doorweyn ayee ka qaataan in ay dhameeyaan,Waana muhiim in la xoojiyo Dhaqanka”ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ka hadlay Kulanka Tacsida ayaa Tacsi ka diray Geeridda Wabrka Guud ee Beesha Baadicadde oo 24-ka Bishaan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho,waxa uuna alle ugu Baryay in Janaddi Geeyo intii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Ugaas C/raxman Ugaas C/llaahi oo ka hadlay kulanka Tacsida ayaa sheegay in Wabar Axmed uu ahaa nin ku weyn Bulshada muddo badana ku soo jiray dhaqanka,waxa uu ku tilmaamay shaqsi inbadan ka shaqeeyey Nabadda iyo Walaaleynta Shacabka Hiiraan.

Kulankaan ayaa loogu duceeyey Wabarka Axmed Wabar Cabdi,waxaana Magaalada Muqdisho ka socda Tacsida,iyadoo lagu wado in la soo gabagabeenayaa Maalinta Jimcada.

Wabar Axmed Wabar Cabdi Wabar Maxamed,Wabarka Guud ee Beesha Baadicade ayaa 24-ka Bishaan December 2015 ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho,waxaana lagu aasay Qabuuraha Wabaryaale Duleedka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.




















Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook