Xildhibaano Foodo ka dhex kiciyay kulan uu lahaa Baarlamaanka Jabouti

Kulan u dhexeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Djibouti oo ka dhacaayay Xarunta Baarlamaanka dalkaasi ayaa waxaa kulanka ku kala booday Xildhibaanada uu kulanka u dhexeeyay.

Kala boodida kulanka ayaa sabab u ahaa kadib markii Xildhibaanada Isbahaysiga Mucaaradka Djibouti ee USN ay kal fadhiga ka sheegen in loo duceeyo islamarkaana faataxada loo maro dadkii ku geeriyooday rabshadihii Jabuuti ka dhacay todobaadki hore.

Buuq iyo sawaxan kadib ayaa waxaa kulanka cod dheer kaga qeyliyay Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsanaa garabka mucaaradka kuwaasi oo ku qeyla dhaamiyay in Dowlada ay dishay dad shacab ah, hadana ay hortaagan tahay in faataxada loo maro, waxa ayna intaa kadib isaga baxeen Xarunta.

Rabshadihii ka dhacay Caasimada Jabouti todobaadkii tagay ayaa waxaa ku nafwaayay 7 ruux, balse mucaaradka ayaa sheegay in lagu dilay 19 qof oo loo beegsaday aragtidooda siyaasadeed dartood.

Xildhibaan ka tirsan garabka mucaaradka oo lagu magacaabo Ducaale Cige Coofle ayaa sheegay in xukuumadda ay dafireyso dhibaatadii ay ciidamada ka geysteen Jabouti.

Xildhibaanka waxa uu sheegay inaysan aqbaleynin in la dafiro waxa uu ku sheegay xasuuq shacab oo ay geysteen Ciidamada Jabouti.

Ugu danbeyntii Xildhibaanka iyo Xildhibaano kale oo ka tirsanaa garabka Mucaaradka ayaa inta badan waqtigooda ku qaatay banaanka sare ee dhismaha Baarlamaanka dalka Jabouti.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook