Arrin Naxdin iyo Argagax leh oo lagu Arkay Magaalada Muqdisho

Meydka Haweeney Mudo 20 Cisho ka hor la waayay ayaa laga helay Duleedka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,waxaana la sheegay in Haweeneydaan lagala baxay Labadeeda Kilyood.

Qof ka mid ah Ehelka Haweeneyda Meydkeeda la helay ayaa sheegtay in Ciidamada Booliska Ee Saldhiga Degmada Kaaraan ay ka heleen Meydka Meel Duur ah oo ku taalla Duleedka Degmada Kaaraan,waxaana la sheegay in Haweeneyda lagala baxay Labada Kilyood islamarkaana Jirkeeda kale ay ku yaallan Dhaawacyo.

Sidoo kale Ehelka Haweeneyda Meydkeeda la helay ayaa noo sheegay Maamada markii dad ugu danbeysay ay ku sugneyd Xaafadda Kaawo Godey Ee Degmada Dharkeynley.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook