Arsenal Oo Heshiiska U Kordhineysa Jack Wilshere

Tababare Arsene Wenger ayaa ka dhawaajiyay in Gunners ay doorbideyso heshiis kordhinta kubad sameeyaha xulka England Jack Wilshere kaas oo aan xili ciyaareedkaan hal muuqaal ku yeelan waxqabadka kooxda.

Wilshere ma ciyaarin daqiiqad ka mid ah xagaagan kadib markii uu dhaawacmay ka hor kulankii Community Shield-ka, soo laabashadiisii aheyd bishii December aynu sagootinay ayaa dib u dhac uu ku yimid waxaana hada la hadal hayaa inuu garoomada kusoo laaban doono dhamaadka bisha February.

Wilshere ayaa kaliya ciyaaray 57-kulan laba xili ciyaareed iyo bar taasoo muujineysa inuu xidigaan la dhibaatoodo dhaawacyo waana xidig u nugul iney waxyeelo soo gaarto.

23-jirkaan heerka caalami ayaa in badan lala xiriiriyay kooxda Manchester City waxaana tababare Wenger wax laga weydiiyay mustaqbalka xidigaan.

“Waxaa kaga haray heshiiskiisa laba sanadood, waxaana dooneynaa inuu halkaan joogo” ayuu yiri Wenger.

“Waa kiis qaas ah waayo waa xidig leh tayo qaas ah”

Ugu dambeyntiina Wenger ayaa u rajeeyay Wilshere inuu soo kabsado isla markaana uu ka baxo hooska dhaawacyada.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook