Axmed Madoobe oo kabaaqday Boosaaso+ Sababta Xiisad Cusub oo Puntland iyo Jubbaland ka dhex Curatay

Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sh Axmed Madoobe ayaa ka baaqday,munaasabadii ka dhacaysa Magaalada Boosaaso,wuxuuna Axmed Madoobe wali ku sugan yahay Magaalada Cadaado,halkaas oo wadahalkii uu kula jiray C/Kariim Guuleed uu wali ka sii soconayao,iyadoo ay jireen qodobo la sheegay in ay labada dhan ku heshiiyeen.

Madaxwayne Axmed Madoobe oo doonayey in uu Magaalada Cadaado,ka tago oo uu gaadho Boosaaso iyo furitaanka Munaasabada,ayaa waxaa soo gaadhay Fariin ooga timid Puntland oo loogu sheegay in uu halkiisa ka noqdo.

Sida aan Xogta ku helay Waxaa Munaasabada Boosaaso Axmed Madoobe ka baajiyey maanta,arin ka dhalatay socdaalka uu ku tayay Magaalada Cadaado,oo ahayd arin ayna horay isul meel dhigan ajanadaha uu kala hadlayo Maamulka Galmudug.

Warar hoose oo ay wardoon.net heshay ayaa sheegay in Xaalada Cusub ay tahay mid salka ku haysa,dhaq-dhaqaaqa cusub ee Axmed Madoobe uu ka bilaabay Magaalada Cadaado,oo sida Puntland laga soo xigtay ay sheegayso in Axmed Madoobe uu si deg deg ah u galay hawlo culus oo ay adagtahay dhamaystirkooda,isla Markaan uuna awooda u lahay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook