Axmed Madoobe oo la filayo inuu Maanta tago Magaalooyinka Cadaado iyo Boosaaso

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah uu Booqasho ku tago Magaalada Cadaado oo xaruun KMG ah u ah Maamulka Galmudug.

Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland uu tagi doono Magaalada Cadaado,waxaana uu halkaa kula kulmi doonaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Mas’uuliyiinta kale ee Maamulkaasi.

Wararka kale oo aan helayno ayaa sheegayaan in Madaxweyne Axmed Madoobe uu usii gudbi doono Magaalada Boosaso si uu uga qayb galo Furitaanka Bosaso International Airport oo 8 bishaan Janaayo dhici doonta.

Booqashada uu Madaxweyne Axmed Madoobe ku tagi doono Cadaado ayaa ah balan qaad uu horay uga balan qaaday Madaxweynaha Galmudug inuu Cadaado tagi doono Biloowga Bishaan Janaayo ee aan ku jirno.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook