Axmed Madoobe oo Safar Deg Deg ah ku tagay Magaalada Nairobi

Wararka naga soo gaadhay Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland uu halkaas gaadhay,kadib Safar maalmo qaatay oo uu ku tagay Magaalada Adis ababa ee Xarunta dalka Ethiopia,Waxayna wararku intaas ku darayaan in Axmed Madoobe ay Shir xasaasi uu ku dhexmarayo Ra’iisulwasare CCC Sharmake oo isbuucii la soo dhaafay halkaas ku sugnaa.

Ra’iisulwasaare Cumar iyo Axmed Madobe ayaa ka wadahalaya,xaalada Shirka Magaalada Kismaayo,waxaana lagu wadaa in kulanka Mas’uuliyiintan uu hordha u noqdo,kulan ay wada qaadan lahaayeen Madaxwaynaha Mamulka Puntland C/Wali Gaas,Ra’iisulwasaare Cumar iyo Axmed Madoobe ka hor Shirka Madasha wadatashiga Magaalada Kismaayo.

Sida ay Xogo hoose nagu soo gadheen Ra’iisulwasaare Cumar ayaa doonaya in uu Wax badan ka Ogaado qorshaha Axmed Madoobe,uu kala yimid Magaalada Adis abab ee Shirka Magaalada Kismaayo la doonayo in gun dhig looga dhigo,Wuxuuna Ra’iisulwasare Cumar si aad ah isugu dhabarjabinyaan in uu guuleystaan heshiisyadii Gaas iyo Axmed Madoobe ee Magaalada Garowe,ayna go’aan mid ah ka wada qaataan Shirka Magaalada Kismaayo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook