Axmed Mashruuc kuwa Xudur Jooga Way riyoodeen +Cod

Madaxwaynaha Maamulka Bakool Sare ayaa ka hadalay Xaalada adag e ka taagan Magaalada Xudur iyo Xildhibaanada ku sugan Magaaladaas,ee Ciidamada Ethiopia ka codsaday in la geeyo Magaalada Ceelbarde,.

Wuxuu ku sheegay in ay yihiin raga aan war ka haynin xaalada deegaanka ka jirta,isaga oo sheegay in hadii ay isku dayaan in ay Ceelbarde iyo agaagaarkeeda yimaadaan wixii ka yimaada ay iyagu lahaanayaan.
Madaxwayne Axmed Mashruuc ayaa sheegay in dhismaha Maamulka Bakool Sare uu ku yimid rabitaanka shacabka deegaankaas,markii ay Xuquuqdooda ka waayeen K/Galbeed Soomaaliya,wuxuuna sheegay in deegaanku uu leeyahay Xuduud dheer oo layaqaano.

Mar wax laga waydiiyey Xildhibaanada Jooga Magaalada Xudur ee Ethiopianka ka codsaday in la geeyo Magaalada Ceelbarde,ayuu yidhi hadii Ethiopia ay cid cid dul gayn aniga ayey Baydhabo i dul gaynayaan,Walee hadii ay ka ooji waayaan in ay ka shalayn doonaan ayuu yidhi Madaxwayne Axmed Mashruuc oo arintan Xildhibaanadaas ka hadalayey.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook