Chelsea Oo U Aragto In Oxlade-Chamberlain Uu Badal U Noqon Karo Hazard Xagaaga Dambe

Dhawaan saxaafada Ingiriiska waxay qortay in Eden Hazard uu kooxda Chelsea isaga tagi doono marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Hadaba wargeska The Sun ayaa qoray in Chelsea meel dheer aysan ka baadi goobi doonin xidigii Hazard badali lahaa.

Waxayna Blues xooga saari doontaa sidii ay gacanta ugu soo dhigi laheyd laacibka kooxda Arsenal ka tirsan Alex Oxlade-Chamberlain.

Hazard waxaa la hadal hayaa inuu Real Madrid ku biiri doono xagaaga dambe sidoo kalena uu noqon doono saxiixa kowaad ee macalin Zidane.

Hadaba Chelsea dhankeeda waxay ku kalsoon tahay inay Alex Oxlade-Chamberlain oo 22-jir ah naadiga Arsenal kasoo qaadan karto.

Inkastoo labadan naadi magaalada London ka wada dhisan yihiin hadana xifaaltan ka dhaheeyo waxay Chelsea ku kalsoon tahay in saxiixa Alex Oxlade-Chamberlain uu hirgali karo madaama xasarada labadan naadi ka dhaxeesay ay dhamaatay marba hadii Jose Mourinho garoonka Stamford Bridge laga racadeeyay.

Cilada uu qabo Alex Oxlade-Chamberlain ayaa ah in dhaawaciisa badan yahay balse waa laacib waaya arag ah madaama uu xulka England u saftay 24-kulan sidoo kalena Arsenal tartamo badan oo caalami ah kala qayb galay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook