Ciidan Itoobiyaan ah oo la dejiyey Dekada Kismaayo+ sabaabta

Ciidamo Farabadan oo Itoobiyaan ah ayaa la sheegay in la geeyey Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Ciidanka Itoobiya ee Kismaayo tagey waxay wateen Gaadiid farabadan oo uuraalada loo yaqaano waxaana ay wateen sidoo kale hub farabadan.

Shacabka ku dhaqan Kismaayo ayaa waxay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen ciidanka tagey halkaasi qaarkoodna ay u arkaan in dhibaato ay ukeeni karaan Magaalada Kismaayo.

Ciidanka Itoobiya ayaa waxa la dejiyey Dekada Kismaayo sida wararka lagu helayo waxaana ay badel unoqon doonaan baa la yiri ciidanka Seirra Leone Ee Kismaayo kusugan kana qeybta ah Howgalka AMISOM.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook