Ciidanka Itoobiya oo Odayaal ku Xasuuqay Rabdhuurre+Magacyadooda

Ciidamada Itoobiya ee jooga Gobolka Bakool ayaa Saaka aroortii 4 Oday dhaqameed ku toogtay degmada Rabdhuurre ee Gobolka Bakool.

Ciidamada Itoobiya ayaa weeraray Guryaha Odayaasha ay ka degganaayeen Magaalada Rabdhuurre ee Gobolka Bakool.

Magacyada Odayaasha ayaa lagu kala sheegay Cabdullahi Cabdi Raxmaan oo 65 Jir ah,Max’ed Kheyr oo 55 Jir ah,Aadan Cabdul;lahi 50 Jir iyo Max’ed Mukhtaar oo 35 Jir ahaa.

Lama garanayo Sababta ay Ciidanka Itoobiya u dileen Odayaashaasi ku sugnaa Rabdhuurre oo guryahooda ay ku weerareen Saaka.

Sanadkii hore Cidamada Itoobiya waxaa ay sidan oo kale dad Rayid ah ku laayeen Tuulada Halgan ee Gobolka Hiiraan,iyada oo sidoo kale Ciidamada AMISOM ay Magaalada Marka ku dileen 21 Ruux ooo Shacab ah.

Xeerarka AMISOM ee howlgalka Soomaaliya iyo kan Caalamiga ahba kama mid aha wax yeeleynta Shacabka,waxaana dhowr jeer dhacay falal gabood fal ah oo Ciidanka AMISOM ay u geysteen dadka shacabka ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook