Ciidanka Liyuu Booliska oo jooga Bakool Sare & Dhaqdhaqaaq Ciidan oo socda

Wararka aan ka helayno Magaalada Ceelbarde ayaa sheegaya in deegaanada Gobolka Bakool Sare ay ka bilowdeen dhaq-dhaqaaqyo Ciidan,kuwas oo inta badana ay wadaan Saraakiisha Ciidamada Maamulkaas oo garab ka helay Ciidamada Liyuu Booliska ee deegaanadaas jooga,waxayna Saraakiishu dhaq-dhaqaaqan ku sheegeen in uu yahay mid ay oogu diaat garoobayaan Dagaal ay ku qaadi doonaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo canaasiir duulaan ku ah Maamulka Bakool Sare.

Mid kamid ah taliyeyaasha Ciidamada Maamulka Bakool Sare ayaa Warbaahinta Wardoon.net u xaqiijiyey dhaq-dhaqaaqan iyo diyaar garowga,Waxa uuna sheegay in Ciidamada Maamulka oo garab ka helay Ciidamada Liyuu Booliska Kililku ay dadaal dheer oogu jiraan sidii ay deegaanadaas Al-Shabaab oga Sifayn lahaayeen.

Madaxwaynaha Maamulka ayaa Saraakiisha Ciidamada kula hadalay Magaalada Ceebarde,isaga oo kal dardaarmay ilaalinta Nabad geliyada deegaanka iyo walib sidoo kale hubinta caasimada Maamulka amaankeeda,Wuxuuna Saraakiisha ku wargaliyey taageerada Ciidamada Liyuu Boolisku in ay tahay Taageero Dowladdeed Ee ayna ahayn mid qabiil.

Dhanka Kale Wuxuu ku wargaliyey Sarakiisha in ay jiri doonaan Tababaro loo furi doono Ciidamada Maamulka Bakool Sare ayna Magaalada Godey noqon doonto Xarunta Ciidamadaas lagu soo tababari doono.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook