Daacish oo soo bandhigtay Ninkii lagu badelay Jihadi John+ video

Ururka Daacish ayaa mar kale soo dirtay hanjabaadyo ku socota Dowladda dalka Britain, iyaga oo muuqaalka ay soo duubeen ku baahiyeen barahooda Media-ha iyo baraha internetka ee dalka Uk.

Nin u muuqday in lagu baddelay “Jihadi John” ayaa kasoo dhex muuqday video’ga isaga oo dul taagan rag lagu eddeeyay in ay yihiin “basaasiin”, isla markaasna ku hadlaya lahjadda luuqadda Ingiriisiga ee Britishka.

Habka uu u dhaqaaqayo, hadalka iyo labiskaba wuxaa loo ekeysiiyay kii Jihadi John, waxaana ka duwan oo kaliya hubka uu ninkani adeegsanayo oo markani ah bastoolad, halkii uu Jihadi John-kii runta ahaa mindida isticmaali jiray.
 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook