Daawo sidaa Diiran ee Axmed Madoobe loguso Dhaweeyey Magaala Cadaado

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed , Madax kale oo katirsan Maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Cadaado ayaa garoonka iyaaradaha uga hortagay si diirana ugu soo dhaweeyay Wafdiga uu hogaaminayay Sheekh Axmed Madoobe.

Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Galmudug ,halkaas oo qado iyo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay, waxaana xaruntaasi kulan ku yeeshay Madaxda Maamulada Galmudug iyo Jubbaland.

Socdaalka uu maanta ku tagay Magaalada Cadaado Madaxweyaha Jubbaland ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu halkaasi ku tago isaga oo Madaxweyne ah , Sheekh Axmed Madoobe ayaa horey uga mid ahaa dadka kasoo horjeeday Dhismaha Maamulka Galmudug

cadaado_madoowe_10 cadaado_madoowe_7 cadaado_madoowe_2 cadaado_madoowe_5 cadaado_madoowe_6

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook