Daawo sidaa lagutukaday Meydka Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif salada janaasada

Meydka Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, ayaa Saaka salaada Janaasada, waxaa lagula tukaday Garoonka Kubadda Cagta ee Laqanyo oo ku yaallo magaalada Baledweyne, waxaana halkaasi isugu yimid Boqolaal Dadweyne ah.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Qaybaha Bulshada iyo Maamulka Gobolka Hiiraan,ayaa ka qaybgalay Salaada Janaasada ah ee Marxuumka lagula dukaday, iyadoo halkaasi loogu Duceeyay.

Salaada Janaasada kadib, ayaa meydka Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif waxaa loo qaaday deegaanka Daaro Ugaas oo ku dhaw Deegaan Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Deegaanka Daaro Ugaas, waxaa ku sugan oo maamula Shabaab, lamana oga sida halkaasi loogu aasi doono, Meydka Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Wararka qaar ayaa sheegaya in meydka ay qaadeen Odayaasha Gobolka Hiiraan oo aysan raacin masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo dad xiriir la leh Dowladda Somaliya, maadaama deegaanka lagu aasaayo Ugaaska uu yahay meel Shabaab ay maamulaan.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, ayaa ku geeriyooday labo maalin ka hor Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Jinaasadii-Ugaas-C.raxmaan-19

201615635875680598045736Jinaaso11 201615635875680892102996Jinaasoo 201615635875681225880878Jinaasoosoo

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook