Dhismaha Safaarada Sacuudiga ku leeyahay Magaalada Tahraan oo Dab la qabadsiiyay +sawirro

Dad careesan oo banaan bax ka dhan ah dilka Boqortooyada Sacuudiga u geesteen Wadaad Shiico ahaa ka dhigayay Magaalada Tahraan ee Caasimada Dalka Iiraan ayaa dab qabad siiyay dhismaha Safaarada Sacuudigaku leeyahay dalkaasi.

Banaanbaxayasaha oo watay Sawirada Wadaadka Shiicada ah ee la dilay ayaa weerar ku qaaday dhismaha Safaarada Sacuudiga, waxaana halkaasi ay ku gubeen qeybo kamid ah Dhismaha Safaarada iyagoo sidoo kale bur bur u geestay alaabo safaarada yaalay, waxa ay sidoo kale gubeen dibad baxayasaha Sawirada Boqorka Sacuudiga..
Dad Goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Warbaahinta in ay arkayeen xubno ka tirsan kooxda banaan baxa dhigaysay oo u tababaran sida milateriga oo dhismaha safaaradda Sacuudiga ku tuuraya bambooyin laga sameeyay batrool kaa oo sababay in ay gubato safaarada.

Ciidamada amaanka Iiraan ayaa soo gaaray dhismaha Safaarada, iyagoona halkaasi ka kala eryay dadkii dibadbaxa dhigayay, waxaa sidoo kale kooxaha dab damiska ay ku guuleeseen in ay damiyaan dabkii la qabad siiyay dhismaha Safaarada.

Dowladda Iiraan oo ah awoodda ugu ballaaran ee Shiicada dunida ayaa ugu hanjabay Sucuudiga in ay ka shalayn doonto dilka ay u gaysateen Sheekh Nimr al-Nimr, kaasi oo loo dilay dambiyo la xiriira argagixisanimo iyo qeybtii uu ka qaatay dibaxyo ka dhan ah dowladda Sucuudiga intii uu socday Kacdoonkii Carabta.

Dadka Shiicada ah ee kunool Meelo badan oo Caalamka katirsan ayaa bilaabay in ay dhigaan banaabxayo waa weyn ay uga soo horjeedaan dilka Sacuudigu u geestay Wadaadka Nimr Al Nimr oo ahaa wadaad Shiicada aad ugu weynaa.

fire_7 fire_1 fire_2 fire_3 fire_4 fire_5

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook