Dibadbax looga soo horjeedo Jawaari oo ka dhacay Gaalkacyo +SAWIRRO

Banaanbaxan oo ahaa Mid looga Soo Horjeestay Socdaalka Gudoomiyha Barlamaanka uu Ku Tagay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta Galinkii Danbe Waxa uu ka dhacay Garoonka Ciyaaaraha Cabdulaahi Ciise Maxamud iyadoona ay ka Soo Qayb Galeen Boqolaal ka Tirsan Shacabka Galmudug , Salaadiin , Cuqaal iyo Qaybha Kala duwan ee Bulshada Galmudug Waxana Halkaasi laga Jeediyay Qudbado kala duwan oo Loga Hdlay Sida ay Shacabka Galmudug u Taageersan Yihiin Go,aankii ka Soo Baxay Dowlad Gobaleedka Galmudug ee looga Soo horjeestay Safarkii gudoomiyihii Hore ee Barlamaanka Soomaliya ee Dhuusamareeb.

Dadkii ka Soo Qayb Galay Banaanbaxa aya Waxa ay isaga Kal Yimaadeen Xaafadaha Kala duwan ee Magaalada Gaalkacyo Waxana ay isugu Soo Aruureen Barxada Banoonida Cabdulaahi Ciise kuwasi oo iyagu ku Qaylinyay Erayo ay ka Mid yihiin Dooni mayno Kala Jarka Galmudug Waxana Dadkii meesha Yimid ay Ahaayeen Dad ka Caraysan Socdaalkii Gudomiyha Barlamanka Soomaliya uu ku tagay Dhuusamareeb oo ay ku Tilmaameen in Lagu Kal Jarayo Maamulak galmudug.

Guud ahaan Dadkii ka Soo Qayb Galay Aya ka Soo horjeestay Socdaalkaasi oo ay ku tilmaameen in lagu kala jabinayo dadka wada dhashay.

09 02 03 04 05 06 07 08

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook