Dowlada Bahrain oo shaaciyay in xariirka u jareen Dowlada Iiraan

Dowlada Bahrain ayaa shaaca ka qaaday in ay xariirka u jartay Dowlada Iiraan , ka gadaal markii Dowlada ay xulufada yihiin ee Sacuudiga ay iyana dhankeeda xariirka u jartay Dowlada Iiraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Dowlada Bahrain laguna baahiyay wakaaladda wararka qaranka ee BNA, ayaa lagu sheegay in ay xariirka u jareen Dowlada Iiraan, waxaana amar lagu siiyay diblomaasiyiinta Iiraan in dalka uga baxaan mudo 48-saacadood.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa horey u shaacisay in ay xariirka u jartay Dowlada Iiraan kadib markii dad careesan ay gubeen safaarada Sacuudiga ku leeyihiin Magaalada Tahraan ee Caasimada Dalka Iiraan.

Dowlada Iiraan ayaa dhankeeda cambaareysay tallaabadii ay Sacuudiga ku jareen xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyey labada dal, waxaana ay sheegtay in taasi ay xiisad ka hurineyso gobolka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook